Muqdisho, 7 Oktoobar 2025 — Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in luuqadda Sawaaxiliga (Kiswahili) lagu daro manhajka waxbarashada dalka, sida ay masuuliyiinta dowladda ku sheegeen shirka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EACON 2025) oo maanta ka furmay Muqdisho.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in la xoojiyo isdhexgalka gobolka iyo in kor loo qaado aqoonta luuqadda Sawaaxiliga ee dadka Soomaaliyeed.
Wasiirka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare Farah Cabdulkadir oo ka hadlayey madasha xilli uu ku subna amadxweynah Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sheegay in siyaasaddan cusub lagu hubinayo in dad badan oo Soomaaliyeed ay bartaan Sawaaxiliga, laguna gaaro heer ka sarreeya dadka ku hadla Ingiriisiga.
“Luuqada bulshada bariga afrika ay ku hadasho ee Sawaaxiliga ayaan wadnaa in Waxbarashadeena lagu barto oo ay dadka Soomaaliyeed ee afka awaaxiliga ku hadla ay ka bataan kuwa af-Ingiriiska ka ku hadla,” ayuu yiri Wasiirka.






