Soomaaliya, 11 Oktoobar 2025 — Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa caawa, magacaabay guddiga ka kooban shan xubnood si uu u maamulo xulista iyo doorashada xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA).
Go’aanka, oo ay wada saxiixeen Guddoomiyeyaasha labada aqal — Adan Maxamed Nuur “Madobe” Guddoonka Golaha Shacabka iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddoonka Aqalka Sare iyagoo guddiga u xil saaray inuu hogaamiyo habka xulista iyadoo la raacayo sharciga Soomaaliya iyo xeerarka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Soomaaliya, oo si rasmi ah ugu biirtay EAC 24kii November 2023, waxaa la filayaa inay doorato sagaal xildhibaan oo ku matalaya EALA, sida ku cad Qodobka 50 ee Heshiiska EAC. Musharixiinta waxay ka iman karaan gudaha ama dibadda baarlamaanka, laakiin xildhibaanada la doorto ma hayn karaan xil baarlamaan isku mar hadii baarmanka laga soo doorto. Xulistu sidoo kale waa inay ka tarjumtaa kala duwanaanta siyaasadeed, jinsiyeed iyo bulsho ee dalka.





