Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa 4 May la kulmay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, ayagoo ka wada hadlay xiriirka difaaca ee u dhexeeya labada dal iyo sida loo xoojin karo iskaashiga dagaal ee ka dhanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
Sida aya sheegtay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Dowladda Soomaaliya ayaa Mareykanka uga mahadcelisay taageeradiisa joogtada ah ee ka dhanka ah la dagaallanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
Sidoo kale sida ay sheegtay safaradda Mareykanka, Safiirka Mareykankan ee Soomaaliyaayaa dhankiisa qiray horumarka laga sameeyay xiriirka amni ee Soomaaliya iyo Maraykanka, isagoo sheegay in kulankan uu ahaa mid lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dal ee dhinacyada amniga.



