Dubai (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu dirtay Wasiirka Difaaca, Cabduqaadir Maxamed Nuur dalka Imaaradka Carabta, si uu tacsida Madaxda Soomaaliya u gaarsiiyo Mas'uuliyiinta dalkaas iyo ehelada saraakiishii lagu dlay xerada ciidanka Jeneraal Gordon ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Difaaca ayaa bartiisa X ku qoray " Waxaan tacsi aan ka sidey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Ra’isul Wasaaraha iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed gaarsiiyey dowlada Imaaraadka Carabta iyo ehelada saraakiishi ku shahiidey Xera Goordan"
Wasiirka ayaa qoraalkiisa raaciyay in dhimashada saraakiishaas ay astaan u ahaan doonto xiriirka dhiig wadaagga ah ee Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa hore shaacisay in 3 askari oo ka tirsan ciidamada Imaaraadka iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Bahrain lagu dilay weerar lagu soo qaaday saldhigga Gordon ee Magaalada Muqdisho, halka labo kalena lagu dhaawacay, inkasta oo mid ka mid ah u geeriyooday dhawaacii soo gaaray markii loo qaaday dalkiisa.





