Soomaaliya, Maarso 9, 2026(Dawan)— Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed (SODMA) ayaa Axaddii wadahadallo la yeelatay mas’uuliyiin ka socday dowladda Norway si loo xoojiyo loona isugu duwo gargaarka degdegga ah, iyadoo abaaro ay ka jiraan tobannaan degmo oo dalka ah.
Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah kula kulmay wafdi ay hoggaaminaysay Marit Fikke oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway, si ay uga wada hadlaan kordhinta gargaarka bini’aadantinimo.
Hay’adda ayaa sheegtay in abaartu ay hadda saameysay 74 degmo, taasoo sii kordhisay baahida bulshooyinka ay dhibaatadu gaartay u qabaan gargaar degdeg ah.






