By Sayyid Omar
Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii la soo gaarsiiyay shixnad militari oo ka timid Midowga Afrika, taas oo lagu taageerayo dedaallada lagu xoojinayo amniga dalka, sid aya sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shixnaddan ay ka koobnayd gaadiid gaashaaman, koofiyado, jaakadaha difaaca, gaadiidka ciidamada daabula, taangiyada shidaalka iyo biyaha, matooro, agab caafimaad, iyo qalab kale oo muhiim ah.
“Shixnaddan militari waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo kaabayaasha amniga ee Soomaaliya, taasoo wax weyn ka tari doonta xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.



