Muqdisho, 1 November 2025 — Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Qaranka (NIRA) ayaa ku dhawaaqday in 24 iyo 25 bilshaan la qaban doono Shir-weynaha 2-aad ee Aqoonsiga Qaranka, kaas oo sanadkaan diiradda lagu saarayo isticmaalka iyo ballaarinta kaabayaasha aqoonsiga dijitalka.
Shirkan, oo sanadkii labaad la qabanayo, ayaa lagu casuumay in ka badan 700 ka-qaybgalayaal, oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka socda dowlad-goboleedyada, hay’adaha dowladda, ganacsato, ururro caalami ah, iyo jaamacado sida uu sheegay agaasimaha NIRA Cabdiwali Ali Cabdullaahi(Timacadde).
“Sanadkii hore waxaannu xoogga saarnay dhisidda iyo baahinta nidaamka aqoonsiga. Sanadkan waxaannu diiradda saaraynaa adeegsiga, isku xirka adeegyada, iyo horumarinta kaabayaasha aqoonsiga dijitalka ee dalka,” ayuu yiri Agaasimaha NIRA.
Hay’adda NIRA ayaa soo saartay adeega Hubiye, kaas oo loogu talagalay in lagu shirkadaha maaliyadeed ee dalka ay u isticmaalaan si u hubiyaan xogta saxda ah ee qofka, adeegaan ayaa u shaqeynaya qaab online ah, iyada oo shirkadaha ay si online ah u hubiyaan in qofka iyo xogta kaarka ay isleeyihiin.






