Bakool (Dawan ) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ciidanka xoogga dalka ay howlgal gaar ah ka fuliyeen gobolka Bakool, halkaas oo ay ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ka dhacay deegaanka Buurdhuxunle, 17km waqooyi ka xiga Waajid, “lagu toogtay Xussen Mocallim Xasan, oo loo yaqaan Magaalabeen.”
Qoraalka ayaa intaas ku daray in Xuseen uu ahaa “xubin muhiim ah oo kooxda ka tirsan in ka badan 15 sano, kana mid ahaa shaqsiyaadka ugu baadi-goobka badan,” iyadoo lagu eedeeyay inuu door weyn ku lahaa abaabulka iyo fulinta weerarro ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Hoose, Mudug, Galgaduud, Bay, Bakool iyo Gedo.





