Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarka ay Israel ku qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, iyadoo ku tilmaantay fal gardarro ah oo khatar ku ah xasilloonida gobolka.
Bayaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaleeceeyay tallaabooyinka Israel, iyadoo lagu sheegay inay ku xadgudbayaan madaxbannaanida qaranimo ee dalalka iyo inay sababayaan xasillooni darro ka dhex dhalata gobolka.






