Muqdisho – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfurtay Hiigsiga Qarni-jirka 2060 (CV2060), taasoo ujeeddadeedu tahay sidii Soomaaliya ugu jiheysan lahayd nabad waarta, koboc dhaqaale, iyo xasilooni Qaran oo ku wajahan 100 sano guurada xurnimada Soomaaliya.
Waa talaabo ay Soomaaliya ugu jeesitay si ay dooneyso in noqoto 35 sano ka dib, Barnaamijkan ayaa maraya heerka qorsheynta, isaga oo la filayo in uu gaaro marxaladda fulinta, taasoo ogaamin doonto sida ay u ekaan doonto Soomaaliya marka ay boqol sano jirsato, taasoo noqon doonta boqol sano guurada xurnimada dalka.
Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Abdi Barre, wasiirrada xukuumadda, bulshada rayidka, iyo madax ka socotay beesha caalamka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda daahfurka ayaa tilmaamay muhiimadda Hiigsiga 2060 iyo in uu yahay ballan-qaad qaran oo ku wajahan jiilasha soo socda. "Maanta, waxaan dooranay inaan ka gudubno niyad-jabka, una jeesanno hal-abuur iyo wax-wadaqabsi. Aragtidani waa buundo u dhexeysa maanta iyo berri, dhaxalka aan maanta ka tagayno iyo dheefta berri," ayuu yiri Madaxweynaha Xasan.
Qorshahan Hiigsiga 2060 waxaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Janaayo 2023, isagoo ku sheegay inay tahay aasaaska qorshayaasha horumarineed ee Soomaaliya ee soo socda.







