Muqdisho (Dawan ) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka dowladda Faransiiska ee ku saabsan inay aqoonsato Dowladda Falastiin, iyadoo ku tilmaantay tallaabadan “mid taariikhi ah oo mabda’ ah” sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jimcihii.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in warka kasoo yeeray dowladda Faransiiska uu xoojinayo xaqa shacabka Falastiin u leeyahay is-maamul iyo dowlad madax-bannaan, taas oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
“Tallaabadan muhiimka ah waxay caddayn u tahay xaqa ay dadka Falastiin u leeyihiin is-maamul iyo dowlad madax-bannaan, iyadoo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo qaraarada Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa mar kale muujisay taageeradeeda xalka laba dowladood ah, iyadoo sheegtay in qorshaha Faransiiska uu yahay tallaabo ku habboon waqtigan isla markaana la jaanqaadaysa dadaallada lagu raadinayo nabad waarta oo laga gaaro Bariga Dhexe.







