Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ansixinta qorshaha hormarinta amniga ee Shirkii Amniga Soomaaliya ee ka dhacay New York shalay, 12-kii December 2023.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa u qornaa sidaan:Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa meel marinta iyo taageeridda Qorsheheeda Horumarinta Amniga ee Shirkii Amniga Soomaaliya ee ka dhacay New York shalay, 12-kii Diseembar 2023 , oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.aShirkan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qatar, Sacuudiga, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska, Mareykanka, Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka soo qeyb galay 28 ka mid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.
Qorshaha Horumarinta Amniga waa himilada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah lahaanshaha iyo mas’uuliyadda buuxda ee amniga ka dib sannado badan oo qalalaase uu dalka ku jiray iyo haatan oo ay jirto dib u soo kabasho muuqata.Sidoo kale waa qorshe lagu gaarayo xasillooni siyaasadeed oo ka taaba gasha Soomaaliya. Waxaa ka mid ah in la dhiso ciidamo karti leh, lala xisaabtami karo, daah-furan iyo hay’ado amni si loo xaqiijiyo gaarsiinta iyo joogtaynta amniga iyadoo lagu hagayo waajibaadka Soomaaliya sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.
Shirka Amniga ayaa lagu soo hadal qaaday horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa madaniga ee ka ymid shacabka is xilqaamey, taas oo keentay in dib looga la wareego argagixisada goobihii muhiimka ahaa ee ay muddo haysteen, isla markaana hoos u dhac uu ku yimid awooddii dhaqaale iyo mid ciidan ee kooxda argagixisada ee Khawaarijta Al Shabab.Waxa sidoo kale shirkaan lagu xusay taageerada Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo dalalka ay ka yimaadeen ciidamada kala duwan ee isugu jira milateriga iyo booliska ee Soomaaliya ka hawlgala.





