Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aamadii ka soo baxay shirkii Jaamacadda Carabta ay martigelisay, kaas oo ay ka qeyb galeen dhinacyada ugu waaweyn maamulka dalka Libya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Shirkan ayaa looga gol lahaa xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Liibiya si loo fududeeyo qabashada doorashooyinka madaxtinimo iyo baarlamaanka ee dalkaas.
"Soomaaliya waxay ku celineysa taageeradeeda xoogan ee midnimada iyo madax-banaanida dhulka Liibiya, waxayna sidoo kale taageereysa dhammaan hindisayaasha Carabta iyo kuwa caalamiga ah ee loogu talagalay horumarinta amniga, xasilloonida iyo nabadda Liibiya". ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Soomaaliya ay garwaaqsantahay in tillaabooyinka la qaaday ay gacan ka geysan karaan sidii dadka Liibiya ay u gaari lahaayeen horumar dhan walba ah iyo barwaaqo waarta.
Go’aamada shirka Liibiya
Jaamacadda Carabtu waxa ay sheegtay in dhinacyada siyaasadda Liibiya ay isku raaceen in lasoo dhiso dowlad loo dhanyahay oo howsheedu ay tahay inay kormeerto hannaanka doorashada iyo bixinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee Liibiya.





