New York (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimca ah lagu wadaa inay u codeeyaan in Soomaaliya laga qaado xayiraaddii iyo cunaqabateyntii hubka ee saarneed muddo ka badan 30 sano.
Soomaaliya waxaa cunaqabateynta hubka lagu soo rogay 1992-kii si loo joojiyo qulqulka hubka ee ay helayeen dagaal oogayaashii isku hayay maamulka, kuwaas oo xukunka ka tuuray, Madaxweynihii xilligaas, Maxamed Siyaad Barre.
Ceyrintii Siyaad Barre kadib, dalku waxa uu galay dagaal sokeeye kaas oo sababay in dowladdii dunto laguna guul darreysto in lasoo celiyo maamulkii iyo kala dambetntii nidaamka.
Xubnahan Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimca ah ay ansixiyaan labo qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Britain, waxayna kala yihiin in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan iyo in dib loogu celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Qaraarku waxa uu walaac ka muujiyay yaraanta tirada xarumaha lagu kaydiyo hubka ee Soomaaliya, waxa uun ku baaqaya in laga caawiyo Soomaaliya sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa goobaha lagu keydiyo hubka ee guud ahaan dalka.






