Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa taageertay go’aankii ay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka qaadatay ee ahaa in ay awood u leedahay in ay baaritaan ku sameyso eedeyntii loo jeediyay Israa’iil ee xasuuqa Marinka Gaza, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
"Xukunkan taariikhiga ah ayaa tilmaamaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtan ka dhan ah tacadiyada loo geystay shacabka Falastiin. Soomaaliya waxay taageereysaa in si deg-deg ah loo fuliyo tallaabooyinka ku-meel-gaar ah ee lagu ilaalinayo xuquuqda iyo bad qabka Falastiiniyiinta" ayaa lagu yiri , War-saxaafadeedka.
Wasraaddu waxa ay intaas ku dartay, in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo xabbad joojin deg-deg ah si looga fogaado khasaare kale iyo in la dilo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday sida ay lagama maarmaanka u tahay in Israa’iil ay joojiso dhammaan noocyada xadgudubyada naxariis darada ah ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, ayna raacdo tillaabooyinka uu qeexayo go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah.Qoraalka Wasaaradda waxaa lagu soo gabagabeeyay sida ay Soomaaliya weli ugu adkaysanayso garab istaagga shacabka Falastiin, iyada oo sii wadi doontaa u doodista nabadda, caddaaladda, iyo xaqiijinta xuquuqdooda aasaasiga ah.





