Dowladda Soomaaliya maanta waxa ay Tababbar u billowday Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska kuwaas oo loo tababarayo ilaalinta amniga Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Dowladda qorsheyneyso inay dalka ka qabato.
Gudiga Doorashooyinka iyo Sohdimaha Qaranka ayaa tababarkaan soo qabanqaabiyay, iyada oo Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan uu sheegay in Ciidaankaan loo tababbarayo ilaalinta amniga doorashooyinka, gaar ahaan diiwaangelinta dadweynaha Gobolka Benaadir.
Guddoomiyaha sidoo kale waxa uu sheegay in tababarkaan uu yahay tallaabo kale oo loo qaaday dhanka doorashooyinka, diiwaangelintana ay ka bilaaban doonto Gobolka Benaadir una gudbi doonaan maamulada kale ee dalka sida Galmudug, Koonfur-Galbeed, Hirshabelle, Jubaland, iyo SSC-Khaatumo.






