Ciyaartooyda Soomaalida waxaa ka muuqday isku xirnaan iyo isfahan qaab ciyaareed, marka la eego qaabka difaaca, raacashada iyo weerarka, iyaga oo ka faa'iideystay khibraddi ay ka heleen kulankii koowaad ee laga badiyay.
Mustaqbalka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ka wanaagsan sidii hore, waxaana soo badanaya tartamada ay ka qeyb gelayaan xulka Soomaaliya qeybihiisa kala duwan.
Da'yarta 15-jirada ayaa ka qeyb galay tartanka Cecafa U 15 oo dhawaan lagu qabtay dalka Uganda, halka xulka Qaranka uu ciyaaray laba kulan oo ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2026.