Maka, Sacuudiga – Khadar Xaaji Daahir, Guddoomiyaha Xafiiska Arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ayaa la hadlay xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Sacuudiga, ayaa ku boorriyay inay raacaan xeerarka, ilaashadaan kaarka xajka, iyo inay hubiyaan in hawlaha xajka ay si habsami leh u socdaan, isagoo sidoo kale ka digay dhibaatooyinka qaar ee soo food saaray xujeyda.
hadalkiisa oo uu ka jeediyay magaalada Maka 18 May 2025, Khadar Xaaji Daahir ayaa ka digay in xujeyda Soomaaliyeed ay soo qaataan alaab aan loo ogolayn ama aysan lahayn, isagoo ka digay culeysyo ka dhasha haddii lagu xadgudbo xeerarka xajka. "Waan ka digaynaa in xujeyda Soomaaliyeed ay soo qaataan alaab aan loo ogolayn ama sababi karta dib u dhac iyo culeys," ayuu yiri.



