Muqdisho, Soomaaliya : Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa muujiyay rajo xumo ku aaddan sidii loo xalin lahaa xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada Sacuudiga, kuwaas oo qaarkood xukun dil ah lagu fulin karo.
Wasiirka oo ka jawaabay su’aal la xiriirta qorshayaasha dowladda ee ku aaddan maxaabiista Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada lagu xukumay dilka, ayaa sheegay in arrintaas aysan si sahlan loo xallin karin. Wuxuu xusay in Sacuudigu yahay dal madax bannaan oo leh sharciyadiisa gaarka ah, isla markaana aysan jirin heshiis rasmi ah oo dowladeed oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.
"Sacuudigu waa wadan madax bannaan, sida Turkiga iyo dalal kale, waxaana kaliya waxa aan ku wada qaadan karnaa in aan heshiis iskaashi wada yeelanno," ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.
Wasiirka wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo gaari lahaa heshiis rasmi ah oo labada dal ku wada shaqeeyaan, si loo helo is-afgarad sharciyeed oo wax looga qaban karo xaaladda maxaabiista. Wuxuu xusay in ilaa heshiis la gaaro aysan dowladda Soomaaliya awood u lahayn inay wax ka beddesho go’aannada maxkamadaha Sacuudiga.






