Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida Cabaas Maxamed Hool, oo ay sheegeen in uu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sarreeya uguna halista badan kooxda Alshabaab ee ka howlgaleysa gobollada Banaadir iyo labada Shabeelle.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda 17-kii Juun 2025, horjoogahan ayaa u dhintay dhaawacyo culus oo kasoo gaaray howlgal qorsheysan oo ay hore u fuliyeen Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo si gaar ah loogu beegsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda.
Cabaas Hool ayeey dowladda sheegtay in uu kaga biiray kooxda sanadkii 2007 magaalada Muqdisho, uuna si toos ah ugu lug lahaa weerarro arxan-darro ah oo lala beegsaday shacabka rayidka ah ee ku nool caasimadda. Warbixinta ayaa xustay in Hool uu kamid ahaa xubnaha ay si buuxda u raadraacayaan hay’adaha amniga ee dalka, iyadoo laga helay xog sirdoon oo dhameystiran.
“Ma jirto meel ay uga basan karaan gacanta Cidanka Qalaba Sida iyo cadaaladda, horjoogayaasha Khawaarita ee caadaystay gummaadka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.
Kooxda Al-Shabaab ayaan weli si cad uga hadlin geerida Cabaas Hool.





