Muqdisho, 14 Janaayo 2026 (Dawan) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa si cad u sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabty ay si qarsoodi ah u marsiisay Berbera ilaa Muqdisho hoggaamiyaha gooni-u-goosadka Caydaruus Al-Zubaidi, iyada oo adeegsatey hawada Soomaaliya.
Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshay warbixin lagu kalsoon yahay oo muujineysa in magaca Caydaruus uusan ku jirin liiska rakaabka diyaaradda, taas oo muujineysa inuu ku dhuumanayay safarka. Wuxuu sheegay in xogtan ay ku filan tahay go’aan qaadashada dowladda, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin macluumaadkaas.
“Waxaan helnay liiska rakaabka (manifest), balse magaciisa kuma jirin, hase yeeshee waxaa la tuhunsan yahay inuu ku dhuumanayay diyaaradda" ayuu yiri Balcad, isagoo xusay in arrintani ay ka mid ahayd sababihii dowladda Soomaaliya uga baabi’isay heshiisyadii dekadaha iyo amniga ee Imaaraadka.





