Muqdisho (Dawan) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in xubno ka mid ah wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalayay Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Adduunka (ILC) ee Geneva ay baxsadeen.
Wasaaradda ayaa soo saartay war-saxaafadeed 18-kii Juun 2025, oo ay ku xaqiijisay in dhammaan xubnaha wafdiga Soomaaliya ay si buuxda ugu soo laabteen dalka kadib markii ay si sharaf leh u gutaan waajibaadkoodii shaqo iyo matalaadda Qaranka.
Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Adduunka ayaa la qabtay Juun 2 ilaa Juun 13, 2025 ee Geneva, Switzerland, kaas oo ka dhacay Palais des Nations iyo Xarunta Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO). Wafdiyo ka kala socda 187 dal oo xubno ka ah ILO ayaa ka qeybgalay shirkan si ay uga doodaan iyo ugu sameeyaan heerar caalami ah arrimaha shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha.Soomaaliya waxaa ku matalaayey shirkaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, oo uu hoggaamiyey wasiirka Wasaaradda. War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa caddeeyay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay dhaawacayaan dadaallada muhiimka ah ee wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalayay shirkan, gaar ahaan arrimaha la xiriira xuquuqda shaqaalaha iyo doorka Soomaaliya ee doodaha siyaasadeed ee heer caalami.







