Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in la xiray Ertugrul Karafiyeli oo ah madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Shirkadda Favori, una dhashay dalka Turkiga.
Ertugrul waxaa loo haystaa dhowr dacwo oo isagu jira xadgudub ka dhan ah shaqaalaha shirkadda, ansahx xumo iyo ku tagrifal awoodeed sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha.
"Eedaysanaha ayaa loo haystaa faldambiyeedyo kala ah anshax xumo, handadaad, xadgudub iyo tagrifal awoodeed oo uu ku sameeyay mu- waadiniin Soomaali ah oo ka shaqeynayay Shirkadda Favori" ayaa lagu yiri, qoraalka



