Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya xilligan ma u baahantahay in ay yeelato hay’ad u madax bannaan ka warqabkabka saadaasha hawada iyo isbeddalka cimilada?
Golaha Wasiiradda xukuumada Soomaaliya ayaa khamiisti lasoo dhaafay (26 October 2023) ansixiyay sharciga dhisidda hay’adda saadaasha hawada iyo cimiladda.
Sharcigaan ayaa loogu tala galay in uu wax ka qabto qabto Nidaaminta, isku dubaridka, la socodka, maaraynta, odoroska heerka wabiyada iyo fatahaadaha iyo bixinta adeegyada Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya.
Sida sharciga ku xusan Gudooomiyaha Golaha Maamulka hay’adda iyo maareeyaha guud waxaa soo magacaabaaya Madaxweynaha Soomaaliya balse waa soo jeedin ku yeelan doona wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimildda.
Xilka qaadista Xubnaha Golaha Hay’adda waxaa loo raacaaya isla habraacii lagu magacaabay, sida ku qoran sharciga qodobkiisa 11-aad.
Sidoo kale waxa mas’uul ka noqon doona siyaasadda guud ee lagu hagayo hay’adda wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda iyadoo oo aan waxba loo dhimeynin madaxbanaanida hay’adda, sida ku cad sharcigaan.
Hay’addan waxay mas’uul ka tahay bixinta adeegyada Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada dalka islamarkaana waa talo-bixiyaha koowaad ee dhanka farsamada ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ku saabsan arrimaha la xiriira Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada, howlaheeda ay qabaneyso waxaa ka mid ah: -



