Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee xalay ka dhacay hool lagu dhigo bandhig faneedka oo ku yaal magaalada Moscow ee dalka Ruushka.
"Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku dhintay, qoysaskii iyo dhammaan dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay masiibadan naxdinta leh. Wuxuu si kal iyo laab ah ugu tacsiyeeyay Madaxweyne Vladimir Putin iyo shacabka Ruushka ee ku jira xaaladda murugda leh" ayaa lagu yiri, qoraal kaoo baxay Villa Somalia.
Qoraalka ayaa intaas raaciyay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Ruushka xilligan adag, iyada oo caddeneysa sida ay uga soo horjeeddo dhammaan falalka rabshadaha iyo argagixisada.





