Muqdisho (Dawan)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay heshiiskii ay Dowladda Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen ee ku saabsanaa Badda, kadib xulan deg deg ah oo ay Golaha Wasiirada ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Af-hayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa Warbaahinta ka hor akhriyay dhowr qodob oo ay Soomaaliya uga jawabeyso heshiiskaas, waxaana ugu muhiimsanaa qodobada soo socda:
1- Dowladda Federaalka waxa ay si cad u diiday kana soo horjeedda heshiiska Itoobiya iyo Somaliland. Somaliland waa qeyb ka mid ah Soomaaliya.
2-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u argtaa tillabadaan mid gar darro ah oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo xasiloonida Gobolka, waxeyna xad gudub iyo fara gelin qaawan ku tahay madax bannaanida, gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
3- Waxa lagu sheegay heshiis is afgarad iyo wada shaqeyn waa waxba kama jiraan. Ma ahan mid ay aqbaleyso Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, mana lahan saldhig sharciyadeed
4- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digeysaa isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxeyna Dowladda Soomaaliyeed xaq u leedahay in ay kaga jawaabto tallaabada gurracan ee ay qaaday Itoobiya wadda kasta oo sharci ah.



