Soomaaliya, 2 Febraayo 2026 (Dawan) – Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee heer Federaal iyo Dowlad-goboleedyo ayaa Axaddii si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb, kaddib kulan socday laba maalmood, kaas oo uu xiray Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame.
Shirweynahan, oo ay isugu yimaadeen wasiirrada tamarta iyo khayraadka biyaha ee heer federaal iyo dowlad-goboleedyo, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda siyaasadaha tamarta iyo biyaha ee dalka, iyadoo la dejinayo qorshe qaran oo mideysan oo wax looga qabanayo saameynta abaaraha iyo horumarinta adeegyada tamarta iyo biyaha ee bulshada Soomaaliyeed.
Intii uu socday shirku, waxaa la soo bandhigay mashaariic kala duwan oo ay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ka fulinayso dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Mashruuca Soo-kabashada Korontada Soomaaliya (ILAYS)
Mashruuca Jowhar ee horumarinta biyaha
Mashruuca Barwaaqo+, oo ka socda qeybo kala duwan oo dalka ah, kuna saleysan deris-wanaag iyo iskaashi bulsho





