By Sayyid Omar
La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda ku sheegay in la soo gebagebeeyay tirada waddamada ka qeybgelaya howlgalka cuub ee AUSSOM, kaas oo sanadkan ka bilowday Soomaaliya.
Howlgalka cusub ayaa waxaa hadda ka qeybgelaya 5 dal oo kala ah Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar, kuwaas oo kala hoggaamin doona shanta qeyb ee howlgalkan, kaas oo beddalay howlgalkii hore ee ATMIS, la-taliyha ma uusan sheegin tirada ciidamada ee dal walba ku yeelanayo, balse warbixin hore ayaa lagu koobay tirada askarta ka qeyb qaadanaya in ay dhanyihiin 12,626 oo askari oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah oo ka kala socda wadamada ka mid noqonaya AUSSOM.
“Maanta waxaa la soo gebagebeeyay howlihii harsanaa, shan dal ayaa kala hoggaaminayo shanta Sector oo kal ah Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar, shantaas dal ayaa lambarkii iyo goobahoodii la soo dhammeystiray” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka.





