Madrid (Dawan)- Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada Murcia ee dalka Spain, subaxnimadii hore ee maanta.
Kooxaha gurmadka deg-degga ah ee magaalada ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in dabku uu ka kacay goob ay ku yaallaan dhowr maqaayado oo lagu caweeyo, iyada oo ay qaadatay ilaa saddex saacadood in la damiyo dabka.
Waxaa weli socda dadaalka lagu baadi goobayo dad laga yaabo inay waxyeello kasoo gaartay dabka oo ku hoos jira dhismayaalka.
Jairo, oo ah aabaha dhalay gabar 28 jir ah oo la la’yahay ayaa warbaahinta la wadaagay fariin cod ah oo inantiisa ay u dirtay hooyadeed 6-dii subaxnimo kadib.


