Sri Lanka (Dawan)- Muwaadiniinta Sri Lanka ayaa saakay u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne ka saari kara dhaqaala xumada ka jirta dalkaas ee sababtay in madaxweyne Gotabaya Rajapaksa u baxsado dibadda.
Goobaha codbixinta ayaa la furay 7-dii subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah, iyada oo ay xaq u leeyihin inay ka qaybqaataan doorashada qiyaastii 17 milyan oo qof kuwaas oo kala dooran doona 38 murashax oo xilka ku taagan.
In ka badan 63,000 oo Boliis ah ayaa la howlgeliyay si ay u ilaaliyaan goobaha codbixinta iyo xarumaha tirinta codadka.
Madaxweynaha kumeel gaarka ah, Ranil Wickremesinghe ayaa dagaal adag u galay siduu usii joogi lahaa xafiiska, wuxuuna qaaday tillaabooyiin muhiim u ahaa hagaajinta dhaqaalaha, iyada oo la raacayo siyaasadda dhaqaale ee ay taageerto Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF).



