Laascaanood, Soomaaliya – Dowladda Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah u shaacisay in laga bilaabo maanta la mamnuucay dhoofinta biraha qashinka ah (scrap metals) ee laga dhoofiyo gudaha deegaanadeeda.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee SSC-Khaatumo ayaa lagu amray dhammaan ganacsatada, shirkadaha iyo hay’adaha ka shaqeeya dhoofinta biraha in ay si degdeg ah u joojiyaan howshaasi laga bilaabo 22 Abriil 2025.



