Riyadh (Dawan)– Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sucuudiga ayaa cambaareysay go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay xadgudub toos ah oo ku saabsan madax-bannaanida Soomaaliya iyo faragelin gudaha ah oo ka dhan ah arrimaha dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda 26 Diseembar 2025 ayaa si cad u xaqiijinaya in Sucuudiga uu taageerayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo ka hor imanaysa xeerarka caalamiga ah.
“Waxaan xaqiijinaynaa taageerada buuxda ee Sucuudiga u hayso madax-bannaanida, midnimada, iyo dhulka Soomaaliya, iyada oo la raacayo Xeerka Qaramada Midoobay iyo Xeerka Ururka Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka ayaa intaa ku daray in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu khatar gelinayo xasilloonida gobolka, iyada oo Sucuudiga si cad u diiday isku day kasta oo hoos u dhigaya midnimada Soomaaliya.




