Muqdisho (Dawan)- Sulub Axmed Firin ayaa dib loogu magacaabay inuu noqdo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada kadib ku dhawaad laba sano oo uu ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed .
Qoraal ku saabsan dib u magacaabistiisa oo kasoo baxay xafiiksa Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri; " Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Mudane Sulub Axmed Firin, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XJFS"



