Khartoum (Dawan)- Dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday in 15 ka mid ah shaqaalaha safaaradda dowladda Imaaraatka Carabta ay ku amartay in ay dalka uga baxaan 48 saacadood gudahood, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Suudan maalintii Axadda (shalay).
Wakaaladda wararka ayaa intaas raacisay in wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ay u yeertay sii hayaha xilka ku-simaha ee Imaaraatka Carabta ayna ku wargelisay go’aanka.
Dowladda Suudaan kama bixin faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta go'aankaan .
Dabayaaqadii bishii hore, jeneraal sare oo Suudaan ah ayaa ku eedeeyay dowladda Imaaraadka Carabta in sahay u dirtay ciidamada dagaalka kula jira dowladda ee loo yaqaano (RSF), oo ah cudud awood leh.
Mas'uul u hadlay dowladda Imaaraddka ayaa arrintaas beeniyay, isaga oo sheegay in Imaaraadku dadaal ku bixisay tan iyo markuu dagaalka Suudaan billaawday in si wada hadal ah lagu dhameeyo khilaafka jira.





