Khartoum (Dawan)- Dowladda Suudan ayaa ku wargelisay urur Goboleedka IGAD in ay hakisay xubinnimadeeda ururka Bariga Afrika, sida uu maanta oo Sabti ah sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas.
Xukuumadda Suudaan ayaa Talaadadii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in ay joojin doonto la tacaamulka kala dhaxeeya Ururka IGAD, iyada oo ka caroortay casuumaadii loo fiday hoggaamiyaha Ciidamada Taageerada Deg-degga ah (RSF), Maxamed Xamdaan Daglo, si uu uga qeyb galo shir madaxeedkii ururuka ee lagu qabtay Khamiisti Kampala.
War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Golaha ku meel gaarka ee dalkaas, Cabdifataax Al-Burhaan Burhaan uu warqad u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ah Guddoomiyaha ururka, si uu ugu sheego go'aanka Dowladda Suudaan ay ku hakisay xubinnimadii ururka.
Suudaan waxa ay wajahaysaa mid ka mid ah xasaradaha ugu ba'an ee ka socda dunida, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini aadantinimada ee OCHA.
Hay'addu waxa ay intaas ku dartay in dad ka badan 7.4 milyan ay ku barakaceen colaadda ka jirta dalkaas iyada oo kala bar dadkaas ay u baahan yihiin gargaar bini aadantinimo oo deg deg ah.
Dadka ku geeriyooday iska hor imaadyada ka socday dalka Sudaan tan bishii April ee sannadkii tegay ayaa lagu qiyaasay 13,000 oo qof.





