Suudaan (Dawan)- Wasaaradda caafimaadka Suudaan ayaa ku dhawaaqday in tirada dadka u dhintay shuban biyoodka dadlkaas ka dillaacay ay gaartay ilaa 315 oo qof , halka tirada dadka ku dhintay daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ay gaartay 225 qof.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri; " 266 xaaladood oo cusub oo shuban biyood ah ayaa la diiwaan geliyay, taasoo tirada guud ee dadka uu cudurku haleelay ka dhigaysa 9,533 xaaladood, oo ay ku jiraan 315 dhimasho ah"
Cudurka ayaa ka dillaacay Suudaan bishii August ee lasoo dhaafay, wuxuuna ku fiday siddeed gobol oo ka tirsan dalkaas.
Dhanka kale, roobabka mahiigaanka ah ee ka da'aya dalkaas ayaa sababay qasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed. Sida wasaaradda caafimaadka laga soo xigtay waxaa ku dhintay fatahaadaha dad kor u dhaafaya 225 qof.





