Garoowe (Dawan)- Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa booqasho ku tagay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland, wuxuuna kulan la qaatay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Labada mas'uul waxay kawada hadleen dadaallada lagu wanaajinayo dowlad dhiska Soomaaliya, xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo arrimaha la xiriiira horumarimta deegaanada Puntland.
"Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya, Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay Arrimaha Puntland sida Dimuqraadiyadda oo ay Qaramada Midoobeysay boggaadisay Doorashada Goleyaasha deegaanka ee socda iyo Mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo". ayaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay Puntland
Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa Garoowe, waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay Puntland ka taageerto horumarinta iyo arrimaha bini'aadantinimo, wuxuuna bogaadiyay horumarka laga sameeyay dadaallada lagu sugayo amniga deegaanada Puntlanad.
“Waxaan kawada doodnay xaaladda amniga, waxaana maamulka Puntland ku bogaadiyey dadaalladooda ku aaddan xakameynta kooxaha argagaxisada ah ee gobolka Bari, wax ka qabashada colaadaha qabaa’ilka ee ka dhashay khilaafaadka la xiriira dhulka ee gobolka Mudug,” ayuu yiri Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
James Swan ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda Puntland in wax laga qabto dhacdooyinka burcad-badeedda ee ka soo cusboonaadey xeebaha maamulkaas iyo saamaynta tahriibka.



