Washington (Dawan)- Dowladda Sweden ayaa si rasmi ah u noqotay xubintii 32-aad ee Isbahaysiga NATO, ka dib laba qarni oo ay ahayd Dowlad dhaxdhaxaad ah, iyo laba sano oo ay ugu jirtay sidii ay ugu biiri lahayd NATO taas oo ka careysiin doonta deriskeeda Ruushka.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Anthony Blinken oo soo dhaweeyay ku biirista Sweden ee NATO ayaa yiri, " dadaala wuu gaaraa" isaga oo ula jeeda dadaalkii ay Dowladda Sweden u gashay sidii ay uga mid noqon lahayd NATO.
Dhankiisa, Ra'iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson, oo u safray Washington si uu uga qaybgalo xafladda ku biiritaanka dalkiisa ee NATO, ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dhigan tahay "guul xorriyadeed."



