Jabuuti (Dawan ) –Wasaaradda Waxbarashada iyo Xirfadaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa tababar wadaninimo ah ka furtay Dugsiga Milateriga Guuleed, kaas oo loogu talagalay qaar ka mid ah dhalinyarada dalka in lagu baro wadaniyada .
Tababarkaan ayaa diiradda saarayay sidii dhalinyarada loogu dhiirrigelin lahaa jacaylka dalkooda, looguna abuuri lahaa wacyi ku dhisan muwaadinimo iyo anshax ciidanimo.
Ardayda ayaa la barayay casharro ku saabsan calan saarka, gaardiska, salaanta ciidanimo iyo xirfado kale oo dhisaya shucuurta waddaniyadeed.
Dhalinyarada la tababarayo ayaa isugu jira wiilal iyo hablo, waxaana si toos ah u tababaraya saraakiisha ciidamada milateriga ee ka howlgala Dugsiga Guuleed. Sidoo kale, ardaydu waxay booqdeen goobo taariikhi ah oo muhiim u ah dalka Jabuuti, si ay u bartaan sooyaalka iyo qiimaha dalkooda.





