Rabat (Dawan)- Ciidamada Badda ee Morocco, ayaa sheegay Isniintii in ay 59 tahriibayaal ah ku qabteen xeebta Dakhla, ee Koonfurta dalkaas, kuwaas oo ka kala yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidamada Boqortooyada Morocco ayaa lagu yiri, "Laba cutub oo ka tirsan Ciidanka Badda Boqortooyada ayaa qabtay Isniintii, labo doonyood oo ay la socdeen 59 qof kuwaas oo ku jiray socdaal aan sharci ahayn"
Bayaanka ayaa intaas ku daray in dadka la qabtay ay wada yihiin Afrikaan gaar ahaan wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, waxeyna ku wajahnaayeen jasiiradaha Canary oo hoostagata Spain.
Dowladda Morocco ayaa sheegtay in dhammaan dadkii la qabtay loo fidiyay gargaarkii ay u baahanaayeen kadibna lagu wareejiyay hay'adaha qaabilsan dadka sharci darrada ku soo gala dalka.




