Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa maanta ka gudoomay safiirka Taiwan ee Hargeysa Allen Chenhwa Lou lacag dhan $2 Milyan oo ay Taiwan ugu tala gashay inay ku taageerto hab sami u qabashada doorashada Somaliland ee soo socota.
Munaasabadda lacagta lagu wareejiyay waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Komiishanka Doorashooyinka oo uu horkacayo Gudoomiyaha Komiishanka, Xassan Yuusuf
"Taiwan waxay ku taageereysa doorashada 2024 ee madaxweynaha iyo xisbiyada 2 milyan oo dollar" sidaas waxa yiri; Allen Chenhwa Lou isaga oo intaas ku daray sida ay uga go'tahay Taiwan inay Somaliland ka taageerto sidii loo hirgelin lahaa doorasho dimuquraadi ah oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad .

Qoraal lasoo dhigay barta ay safaaaradda Taiwan ee Somaliland ku leedahay X ayaa lagu yiri; "Xoriyadda iyo dimoqraadiyadu waa qiyamka guud ee isku xira Taiwan iyo Somaliland iyo beesha caalamka"
Wasiirka Maaliyada iyo Gudoomiyaha Komiishanka ayaa ku bogaadiyay Taiwan, taageerada dhaqaale ee ay ka gaystay doorashooyinkii hore ee Baarlamaanka iyo Golaha Deegaanka ee 2021, iyo taageerada cusub ee ay hadda ku bixineyso doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada
"Markii ugu horeeysay maahan, horayna way nooga caawiyeen, meela kalena way naga caawiyaan. Runtii waxaan jecelnahay inaan u mahadecelino dowladda Taiwan taageraada joogtada ah ee faraha badan, qaasatan xagga doorashooyiinka" sidaas waxaa yiri, wasiirka maaliyadda markii la guddoonsiiyay lacagta.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray in lacagta la siiyay ay ka dabooli doonto baahiyo badan, isaga oo taageerada Taiwan ku tilmaamay mid ka tarjumeysa xiriirka wanaasgan iyo wadashaqaynta ka dhaxeysa labada dhinac.






