Hargeysa (Dawan)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay Taiwan ka heleen ballan qaad ku saasabn inay doorashooyinka soo socda ka taageeri doonto dhanka dhaqaalaha.
Arrintan ayaa timid kadib markii uu Komishanku kulan la qaatay maanta safiirka Taiwan ee Hargeysa Allen Chenhwa Lou.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Facebook ee Komishanka ayaa lagu yiri; " Ambassador Allen wuxuu balanqaaday innay dawladda Taiwan ay ka qaby-qaadanayso dhaqaalaha Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada"
Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa la waaagay safiirka warbixin ka saabsan hawlaha diyaargarowga iyo derdergalinta doorshaooyinka soo socda ee Somaliland.

Dhanka kale, Komishanka Doorashooyinka ayaa maanta la wareegay dukmentiyada Musharixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha ee Xisbiyada uga qaybgalaya doorashada Madaxtooyada.
Sida ku cad jadwalka doorasahda, billowga bisha October waxaa loo asteeyay in la guda galo ololaha doorashada, waxaana lasoo afjari doona 10-ka bisha November.
Dadweynaha Somaliland ayaa u dareeri doona doorasahda subaxnimada 13-ka bisha November, iyada oo natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqi doono isla bishaas 20-keeda.




