Nairobi (Dawan)- Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Kenya General Charles Kahariri ayaa shalay booqasho ugu tegay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) ee ku sugan Dhoobley. Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, General Kahariri wuxuu la kulmay saraakiisha ku sugan Dhoobleey , isagoo ku ammaanay sida ay uga qayb qaadanayan nabadda, ammaanka, iyo xasiloonida Soomaaliya.
General Kahariri ayaa gaarsiiyay ciidamada farriin uu ka siday madaxweynaha Kenya, William Ruto, taas oo ku saabsaneed kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayan xaqiijinta guulaha howlgalka iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Taliyuhu waxa uu tilmaamay muhiimadda uu dadaalkoodu u leeyahay soo celinta nabadda Soomaaliya iyo kaalinta Kenya ee xasiloonida Geeska Afrika.




