Muqdisho (Dawan)- Jeneraal Sam Kavuma ayaa ugu dambeyn la wareegay xilka Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) 28-kii July, iyada oo magacabistiisa ay kasoo wareegtay in ka badan seddex bilood.
Sam Kavuma ayaa bedelay Sam Okiding oo ay kasoo wada jeedaan Uganda kadib markii Okiding loo magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda.
Dowladda Uganda ayaa ku micneeysay daaha ku yimid la wareegista xilkiisa habraaca dheer ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, kaas oo ay lagama maarmaan tahay in loo soo maro xil la wareegista
Kavuma ayaa lagu wadaa inuu hoggaanka ATMIS sii hayo muddada shanta bilood ee ka harsan waqtiga ay kusii joogayaan Soomaaliya oo ku eg dhamaadka sannadkan, sida ku cad qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Markii uu Taliyaha cusub ee ATMIS soo gaaray Muqdisho 28-kii bishan July, waxa uu kulan la qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo taliyayaasha qaybaha kala duwan ee howlgalka.
Kavuma waxa uu warbixin ka dhageystay saraakiisha sar sare ee ciidamada ATMIS, iyada oo si kooban loogu sharraxay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo horumarka laga gaaray fulinta waajibaadkii loo igmaday ATMIS





