Muqdisho (Dawan) – Guddoomiyaha guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, isla markaana xubin ka ah Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka, xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab, ayaa qiray in uu jiro walaac ay mucaaradku ka qabaan hannaanka wax ka bedelka dastuurka, ee sida uu tilmaamay si degdeg ah loogu gudbiyay guddoonka Baarlamaanka iyada oo aysan jirin cid la socotay hannaankii loo maray.
Xildhibaan Carab oo wareysi gaar ah siiyay Dawan Media ayaa caddeeyay in walaaca ay qabaan siyaasiyiinta Mucaaradku inuusan gaarin heer ay uga baaqdaan ka qeybqaadashada wadatashiyada qaran ee lagu ballansanyahay 1-da bisha soo socota ee February.
Xildhibaanka ayaa yiri “ Walaac wuu jiraa laakin weli walaaci looma bedelin go’aan shirka looga baaqanayo" isaga oo intaas ku daray in Golaha Mustaqbalku uusan weli si rasmi ah uga doodin wax ka bedellada cusub, isla markaana arrintaasi ay weli ku jirto marxalad qiimeyn iyo la-tashi ah.





