Hargeysa, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland ayaa dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada ku amray inay xoojiyaan nabadda, isku xirnaanta bulshada iyo xukuumadda.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay kulan la qaatay guddoomiyeyaasha gobollada Somaliland si loo xoojiyo dawladnimada, adeegyada bulshada, iyo horumarka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray is-xog-waraysi iyo dardar-gelinta nidaamka dawladnimo, adkaynta nabadda, bixinta adeegyada bulshada, iyo wax ka qabashada arrimaha mudnaanta u leh Somaliland.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay guddoomiyeyaasha gobollada inay xoojiyaan midnimada shacabka reer Somaliland, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarka iyo xasilloonida. Wuxuu tilmaamay inay metelayaan xukuumadda WADAJIR IYO WAXQABAD, loona baahan yahay inay bulshada dareensiiyaan kaalinta ay xukuumaddu ka qaadanayso horumarka Somaliland.
"Guddoomiyeyaasha gobollada waxa laga doonayaa inaad dhageysataan bulshada aad masuulka ka tihiin tabashadooda, kana shaqeysaan xallinta dhibaatooyinka, aadna shaqeysaan isku xidhnaanta dowladda iyo shacabka aad masuulka ka tihiin," ayuu yiri Madaxweyne Cirro.





