Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray, wasiirkii hore ee amniga, xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale
Waxaan halkan ku soo gudbinayaa xilligaan xasaasiga ah talooyin muhiim ah oo ku saabsan Xaaladda dalka, kuwaas oo toos ugu socda dhinacyada aan kor kusoo sheegay, waxaan ku bilaabayaa:
FARRIINTA KOOWAAD: MADAXWEYNE XASAN SHEEKH
Mudane Madaxweyne sida aad hore u sheegtay waxaad tahay mas’uul laba jeer Madaxweyne dalkaan ka noqday oo darajo aysan u harsaneyn, haddana doonaya inuu dalka iyo dadka uga tago taariikh.
Waxaa ku hor yaallaa howlo Qaran oo ay ugu muhiimsan yihiin: Dagaalka Alshabaab oo aad bilowday, Dhammeystirka Dastuurka KMG ah, Deyn cafinta, sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabateynta Hubka, iyo Xoojinta Hay’adaha Dowladnimada.
Adigoo ku mahadsan dagaalka Alshabaab ee aad dadaalka gelisay, waa inaad dhammeystirtaa oo horseed u noqotaa in cadawgaas dalka laga xoreeyo oo aanu nala dhaafin muddo xileedkaan.
"Dhammeystirka Dastuurka oo muddo dheer aan lagu guuleysan, waa inaad Madaxweynow u wajahdaa Danta guud ee Qaranka darteed, kana ilaalisaa dano gaara ah. Wax ka bedelka Dastuurka, Qaab dhismeedka dowladda iyo doorasho guud waa arrimo Qaran oo ka weyn rabitaanka Madaxweyne markaas xilka jooga".
Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh kula talinayaa inuu dhammeystirka Dastuurka iyo wax ka bedelkiisa daacad ka noqdo.
FARRIINTA LABAAD: SIYAASIYIINTA
Farriinteyda Qaran ee labaad waxay ku socotaa Madaxdii hore ee dalka, Mas’uuuliyiinta xilalka soo qabtay iyo Siyaasi kasta oo doonaya inuu qabto xilalka dalka ugu sarreeya ee hadda ka horjeeda qaabka ay hadda wax u socdaan.
Walaalayaal, Madaxweyne kasta ama mas’uul kasta wuxuu qeyb ka ahaa Geediga dowlad dhiska dalka ee weli socda, wuxuuna fursad u helay inuu dalka wax ka hoggaamiyo, balse nasiib darro wuxuu ka tegay iyadoo Dowladnimada Soomaaliya weli cagaheeda isku taagin.
Mas’uulkasta oo hore xil usoo qabtay wuxuu isku dayay, dadaalna u galay inuu isbedel ka sameeyo dhinacyada Amniga, Doorashooyinka, Dastuurka iyo dhinacyo kale oo badan, laakiin waxaa xaqiiqo ah in mar kasta Maamul Goboleedyo ama Siyaasiyiin ay mucaarad ku ahaayeen.
"Waxaa nasiib darro, waxaa caado noqotay Mas’uul kasta inuu mucaarad ku noqdo Madaxda ka danbeysa xitaa haddii ay wadaan isla qorshihii uu isagu hore u doonayey inuu hirgeliyo markii uu xilka hayey, ujeedkiisuna yahay oo kaliya inuusan guuleysan madaxweynaha markaas joogo, taas oo siyaasadda Soomaaliya ka dhigtay natiijo la’aan lugaha la is wada heysto".






