Dar Salaam (Dawan)- Tanzania iyo Itoobiya ayaa toddobaadkaan kala saxiixday heshiisyo laba geesood ah oo quseeya dhinacayda Beeraha, Ganacsiga, Tamarta, Gaadiidka cirka iyo isweydaarsiga Teknoolojiyadda duulista.
Madaxweynaha Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo booqasho ku jooga dalka Tanzania , ayaa Jimcihii goob joog ka ahaa saxiixa heshiisyo lagu xoojinayo ganacsiga labada dal.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Bariga Afrika ee Tanzania ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen in la sii xoojiyo ganacsiga iyo xiriirka laba geesoodka ah ee abuuraya fursado cusub oo ganacsi oo u dhexeeya Tanzania oo ay ku nool yihiin in ka badan 61 milyan iyo Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad ka badan 100 milyan oo qof.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania, January Makamba ayaa sheegay in heshiiska is-afgaradku uu furi doono suuqyo cusub, maalgashi iyo ka ganacsiyada muhiimka ah, gaar ahaan bunka iyo shaaha.



