Jig-jiga (Dawan)- Horumarinta nimcoolayda ay bulshada dhaqato, waa mid kaalin wax ku ool ah ka qaadanaysa, koboca dhaqaalaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyada oo nolsoha dadku ku tiirsantahay marka koowaad xoolaha marka xigana wax soo saarka beeraha.
Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalidu waxau u dajisay istiraatiijiyadihii meelmar ka dhigi lahaa qorshaha lagu hormarinyo tayeynta xoolaha.
Xukuumaddu waxa ay la timid Barnaamijyada dhaqo oo dheefso iyo dalag iyo daryeel, si bulshadu ay uga faa'iideysato xoolaha ay dhaqato iyo dhul beeraadka ballaaran ee ay leedahay.
Barnaamijka dhaqo oo dheefso, ayaa ah mid kor loogu qaadayo, waxna lagaga badalayo nolosha bulshada xoola dhaqata ah, iyadoo lagu rajo waynyahay, habkii nolol deggan loogu samayn lahaa, iyada oo laga faa'iidaysanayo biyaha dhulka hoostiisa ku duugan, wabiyada iyo togaga, laguna taamayo in natiijo laga soo hoyiyo.
Siyaasadaha horumarinta xoolaha iyo daryeelkooda iyadoo laga duulayo، ayaa xoolo dhan 9.9 milyan oo neef in ka badan la daweeyay, halka la beeray 800 Hiktaar oo calafka tayaysan sanadkii 2015 (sannadka Itoobiya), sidoo kalena degmooyinka deegaanka loo qaybiyay 78 kun oo kiintaal oo abuurka calafka tayaysan ah, si loo beero, loogulana tacaalo xilliyada calaf yaraantu ay soo wajahdo nimcoolayda ay bulshadu ay dhaqato.





