Jig-jiga (Dawan)- Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa magaalada Jig-jiga ee xarunta maamulkaas ku qabtay tartankii lixaad ee Gabyaaga , iyadoo halku dhigga sannadkaan loo doortay inuu noqdo “Waxyeellada colaadaha iyo sidii looga samatabixi lahaa".
Tartankaan sannadlaha ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ujeedadiisu tahay sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khataraha colaadaha iyo muhiimadda ay leedahay in bulshadu nabad kuwada noolaato.
Wasiiru dowlaha Dhaqanka iyo Dalxiiska Marwo Warsan Cawil ayaa sheegtay sida ay uga go’an tahay ilaalinta dhaqanka iyo soo nooleeynta fanka iyo suugaantii Soomaalidu lahayd.
“Waxaan furaynaa tartankii lixaad ee Gabyaaga, kaasoo ujeeddadiisu tahay wacyi-gelinta iyo soo noolaynta fanka Soomaaliyeed, waxaan rabnaa inaan gabayga uga jawaabno dhibaatada colaadaha, abaaraha iyo waxkasta oo saameyn ku leh nolosha dadka” ayay tiri Warsan Cawil.



